Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Weriye Macalimuu ka tegay shaqadii Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da (Akhri Qoraal uu soo diray)

    Weriye Macalimuu ka tegay shaqadii Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da (Akhri Qoraal uu soo diray)

    September 27, 2015Updated:September 27, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    BBC oo aan Macsalaameeyay

    W/Qoray: Mohamed Moalimuu

    [social title=”Moalimuu” subtitle=”” link=”https://www.facebook.com/mohamed.moalimuu?fref=nf” icon=”fa-facebook”]

    Salaama Caleykum

    Waxaa sharaf ii ah kadib ku dhawaad toban sano oo aan la shaqeeyay BBC oo ah hey’ad warbaahineed oo caalami ah in aan ugu danbeyn ka ruqseystay. Waxa aan BBCSomali ku soo biiray 14 Juun 2006dii, maalintii ay Maxkamadihii Islaamigu qabsadeen Jowhar oo Shiikh Shariif oo xilligaa ahaa Gudoomiyaha Fulinta Maxkamadaha Islaamiga uu ka qudbeeyay garoonka k/cagta ee degmada Jowhar.

    Moalimuu

    Waxaan Eebe uga Mahad celinayaa in uu iga soo badbaadiyay waqti adag oo aad u dhib badan oo aan ka mid ahaa wariyayaashii ka warrami jiray Muqdisho waliba xilli ay dhibaatada jirtay awgii wariayaal maxalli ah ay dalka ka carareen. Labo jeer ayaan dhaawacmay labada jeerna Eebe waa ii yasiray oo dhaawac fudud ayaa i gaaray. Waxaan u soo joogay xaalado aragagax leh oo aan marnaba ka go’i doonin qalbigeyga.

    Xilliga adkaa ee BBC aan la shaqeynayay wax badan ayaan ka bartay ,tababaro badan ayaan ka helay,waana uga mahad celinayaa BBC kobcinta xirafadeed ee ay ii sameeyeen ,taa badalkeedana waxa aan aaminsanahay in wax badan aan ku biiriyay intii aan u shaqeynayay kuwaas oo wax ku ool u noqday dhamaan qeybaha BBC World Service.

    Waxa aan la kulmay oo aan warar iyo wareysiyaba ka qaaday Madaxweynayaal, Raysul wasaarayaal, Wasiiro iyo Masuuliyiin iyo shacab badan oo Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale ii suuragashay in aan ka mid noqday wariyayaal farakutiris ah oo la shaqeeya warbaahinta reer Galbeedka oo si waji ka waji ah u wareystay ama ula kulmay Hogaamiyayaal iyo Afhayeenno ururada Islamaamiyiinta Soomaaliya sida Alshabaab, Maxkamadihii hore,  Xisul Islaam, Raas-Kaambooni iyo Jabhatu Islaamiya xilliyo kala duwan.

    Waxaan rumeysanahay in aan ahaa wariye dhexdhexaad ah ,waxana aan ka soo shaqeeyay oo aan howlo shaqo ka soo fuliyay inta badan gobollada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, Puntland iyo Soomaaliland, ma jirto habayaraatee hal meel oo aan caqabad kala kulmay soo dhaweyn maahee.

    Waxaan u soo joogay xaalado aragagax leh oo aan marnaba ka go’i doonin qalbigeyga.

    Waxaan u mahadcelianayaa dhamaan Shaqaalihii BBC ee aan isla soo shaqeeyay iyo Tafatirayaashuba oo aan aaminsahay in aan tabi doono kaftankoodii iyo la shaqeyntoodii wanaagsaneyd haddii aay ahaan lahaayeen kuwa London, Nairobi iyo kuwii aan Soomaaliya iskala shaqeynayay waqti hore iyo ilaa iyo hadda.

    Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo dhageystayaasha BBC waxaan ka codsanayaa in ay iska keey cafiyaan haddii ay jirto cid aan u gafay ama iga maqlay wax uu si aad ah u dhibsaday, aadmigu waa daciif, war goor dhaw dhacay oo aadan goobjoog u aheyn waa ay dhici kartaa adigoo ka waramaya in si aan ula kac aheyn aad qalad u sheegto marka laguu sheeko xumeeyo waliba adiga oo aad u dadaalaya .Eeboow hanoo qaban waxii aan halmaanay iyo waxii aan ku gefnay.

    Inshallah ,saxaafadda kama dhex bixi doono, saaxiibada iyo taageerayaasheyduba waa wada xiriiri doonaa mar kasta.

    Ugu danbeyn , Ma jirtaa warbxin aad iga dhageystay oo ku xiiso galisay ama aad necbeysatay intii aan BBC Soomaaliya uga waramayay , fadlan waxaan jeclaan lahaa inaad halkan igula wadaagto si furan hadii ay ahaan laheyd mid dhow iyo mid fogba?

    Kheyr baan idiin dhaafay WSCW.

    Mohamed Moalimuu

    [ad name=”HTML-7″]

    BBC-da Weriye Moalimuu
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG CULUS: Mahad Cawad oo lagu cadaadinayo inuu la safto xildhibaanada wada Mooshinka
    Next Article DGEDEG: Fanaaniintii Xiddigaha Geeska ee tegay Magaalada Muqdisho oo lagu xiray Hargeysa

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo