Khilaaf ku saabsan qaabka Weriyeyaasha u tebinayaan doorashada Madaxweynaha ayaa maanta ka taagan xarunta Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.
Arrintan oo soo taxneyd ilaa doorashadii guddoonka Baarlamaanka ayaa xoogeystay markii Guddiga Doorashada madaxweynaha Soomaliya ay soo saareen habraacyo adag, waxaana dadka gelaya xarunta Doorashada oo ay ka mid yihiin Weriyeyaasha iyo xildhibaannada laga mamnuucay inay Hoolka doorashada la galaan agabyada kala ah: Mobile-ada, Laptop-yada iyo Taps-ka.
Saxafiyiinta tegay xarunta Doorashada ayaa diiday inay galaan hoolka, haddiiba qalabkii ay ku shaqeynayeen laga reebayo, waxayna bannaanka ka joogaan goobta Doorashada, iyadoo aan arrintooda weli la xalin.
Xubno ka mida Guddiga Doorshada sida Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Maxamed Ibraahim Macalimuu ayey weriyeyaasha ku eedeeyeen inay yihiin kuwa ugu darran ee cadaadiska saaraya saxafiyiinta, kana hortaagan shaqadooda.

