Wiil dhalinyaro ayaa lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho kadib markii uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada dowladda.
Dilka wiilkan ayaa ka dhacay Xaafad Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, magaalada Muqdisho, waxaana wiilka dhalinyarrda ahaa oo lagu magacaabi jiray Shuceyb Biibaaye xilliga la dilay uu ku sugnaa goob ganacsi oo uu ku lahaa isgoyska Towfiiq, iyadoo aan la garaneyn sababta dilkiisa.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay la qabtay, iyadoo ciidamada amniga ay gaareen halka uu shilka ka dhacay.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ka mida dhinacyada ugu badan ee dilalka u geysta dadka rayidka ah, waxayna Muqdisho ugu horeysaa magaalooyinka dalka ee dilalka ugu badani ka dhacaan.