Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka xeebta Kawaan Bari ee degmada Kaaraan laga helay meydka wiil dhallinyaro ah oo in muddo ah la weysanaa, kaasoo ay Baddu soo tuftay.
Meydka wiilkan oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdirisaaq Maxamuud ayaa la sheegay inay Baddu qaaday Talaadadii, xilli uu dabaal ku tegay xeebta Liido, waxaana markaas kadib ay qoyskiisu waayeen wiilkan oo baadigoob loogu jiray.
Saaka ayaa meydka wiilkan lagu arkay xeebta Kawaan Bari ee degmada Kaaraan, halkaasoo ay gaareen ciidamada iyo ehellada wiilkan dhallinyarada ah oo la wareegay meydka si ay u aastaan.
