Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay dil bareer ah ku fulisay wiil dhalinyaro ah, sida ay sheegeen dadka degaanka.
Falkan ayaa ka dhacay degmada Dharkeenley, gaar ahaan xaafadda Suuq-yaraha oo ku dhow Macmacaanka, waxaana kooxda hubeysan oo bistoolado ay toogasho ku dileen wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu ka tirsanaa dadka degan xaafadaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dalbeyda dilka u geystay wiilkan ay ka dhaceen talefoonkiisa gacanta ee Mobile-ka oo uu watay, waxayna dadka ka ag dhowaa sheegeen in Wiilka la dilay uu la murmay dableyda, isagoo diiday inuu siiyo telefoonka.
Dableyd oo laba qof ka koobnaa ayaa goobta ka baxaday, iyagoo hore u sii qaatay talefoonkiisii, taasoo naxdin weyn ka dhalisay xaafadaasi.