Dil nooc cusub ah ayaa Gelinkii dambe ee maanta ka dhacay qeybta Cabdalla Shideeya ee Suuqa Bakaaraha, degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Wiilkan ayaa la sheegay inuu ka mida ahaa dadka ku ganacsada suuqa, isagoo naafo ka ahaa gacan, waxaana koox ka kooban saddex qof ay weerar ku qaadeen suuqa dhexdiisa, iyagoo rasaas ku furay goobtiina ku dilay marxuumka.
Ragga dilka geystay ayay goobjoogayaasha ay sheegeen inay tiradooda gaareysay Saddex qof, waxaana la yaab ahayd markii ay dileen wiilka inay Muuqaal Video ah ka duubeen meydkiisa kadibna ay baxsadeen.
Wararka ayaa sheegaya inaysan jirin cid daba gashay dableydaasi oo ku hubeysneyd Bistoolado, waxayna dadkii goobta ka dhowaa oo kala cararray markii ay rasaasta maqleen ay ka naxeen in telefoon Mobile ah looga duubo Video.
Dad xog ogaal ah ayaa sheegaya in dilalka noocaasi ah ee Muuqaalada laga duubo ay fuliyaan Kooxda Daacish oo muddooyinkan danbe howlgallada ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyo Afgooye ay sii kordhayaan.