Dabley Burcad ah ayaa xalay toogasho ku dishay wiil dhalinyaro ah oo dhowaan ka qalin jebiyey mid ka mida jaamacadaha magaalada Muqdisho.
Falkan ayaa ka dhacay xaafadda Suuq Boocle ee degmada Dharkeynley, kadib markii Burcad dooneysay inay ka qaataan telefoon Mobile ah oo uu heystay xilli uu joogay bannaanka Guriga uu deganaa ay rasaas ku fureen, sidaasina uga qaateen Telefoonkii markii uu geeriyooday.
Marxuum C/qaadir Ismaaciil Axmed, wuxuu dhowaan ka qalin jebiyey Jaamacad, iyadoo xafladda lagu maamuusayo qalin jebintiisa la sheegay inay dhici lahay bisha soo socota August.
Burcadda dilka geysatay ayaa baxstay, wuxuuna wiilka la dilay aabihiis Ismaaciil Axmed uu sheegay in ay yihiin reer Miyi, balse ay wiilkooda usoo direen Waxbarasho, isagoo Muqdisho kula noolaa adeerkiis.
C/qaadir Ismaaciil oo maanta lagu aasay duleedk Muqdisho ayaa ka mida dadka ku baxay gacanta Burcadda ka kacday xaafadaha Muqdisho.
