Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, July 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Wiil ku xanuunsan Muqdisho oo ka faa’iideystay tartan samafal ah oo dhex maray Xasan Kheyre & Taabit Cabdi [Sawirro]

    Wiil ku xanuunsan Muqdisho oo ka faa’iideystay tartan samafal ah oo dhex maray Xasan Kheyre & Taabit Cabdi [Sawirro]

    February 23, 20183 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa tartan nooc cusub ku dhex maray magaalada Muqdisho.

    Tartankan ayaa ahaa mid samafal oo lagu gargaarayo wiil lagu magacaabo Maxamed Ayuub Xasan oo 17 sano jir ah, kaasoo si lama filaan ah uga hadlay salaadii Janaasadda ee Marxuum Axmed Diiriye oo ka dhacday Masjidka Isbaheysiga islaamka, waxayna arrintan ka bilaabtay ereyo uu wiilkaasi ka jeediyey Masjidka.

    Xilligaasi waxaa masjidka ku sugnaa madax badan oo ay ka mid yihiin: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre,Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow. madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir (Eng. Yariisow).

    Maxamed Ayuub Xasan ayaa dadka hortooda isaagay isagoo heegay inuu hayo xanuun neerfaha ah, una baahan yahay taageero dhaqaale iyo lacagta gaareysa 1,800$ oo daawo uu ku iibsado.

    “Marka hore Marxuumka Allah ha u naxariisto Janada Allah geeyo, marka xigta walaalayaal waxaan idiinka codsanaya inad i caawisaan waxaan ahay wiil dhalinyaro ah oo aad u xanuunsan, Xanuunka neerfaha aya i haya sidaad u jeedaan, waxa hada u baahanahay lacag dhan kun iyo sideed boqol oo doolar (1,800$) si aan daawooyin ugu gato xaaladeyda caafimaadna ay wax ugu badasho, Agoon ayaa ahay Aabaheey wu dhintay, waa idiin baryaa ee lacagtaa isku key dardara.”

    Ciidamo dhar-cad ah, kana mida ilaalada Ra’iisal wasaaraga ayaa wiilkii si halheel ah ula booday oo ka saaray goobtii uu sida lama filaanka ah uga soo muuqday, isagoo ujeedkiisu ahaa inuu madaxda goobta joogta naxariis iyo deeq ka helo, waxayna geeyeen qeybta dambe ee Masjidka, iyagoo ku amray inuusan dhaqdhaqaaqi karin, halkaasina ay uga tageen.

    Wiilkii oo oynaya ayaa mar kale soo laabtay laakn waa loo diiday inuu hadlo dib ayaana loo celiyay, isagoo gacanta laga hayo ayaa la marsiiyay meel uu fadhiyeen Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin kale.

    Dhacdadan murugada leh kadib ayaa la sheegay in arrinta lagu wargeliyay guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thabit Cabdi Maxamed oo dalka ka maqan, isagoo ballan qaaday inuu kafaalo qaadayo kharashka caafimaadka ee Maxamed Ayuub, isagoo wakiilo u diray ehelka qoyska, laakiin  waxay arrintii yeelatay saameyn xoog leh samafal iyo siyaasad leh.

    Image may contain: 2 people, people sitting

    Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka war helay sida wax udhaceen ayaa bixiyey lacagtii uu dalbaday Wiilka xanuunsan oo dhan $1800, wuxuuna ugu dhiibay gabar weriye oo la shaqeysa, taasoo lagu magacaabo Nasra Bashiir, taasoo Guriga Maxamed Ayuub ku tagtay amarka Ra’iisal wasaaraha ee aanay xabbadu karin, kadibna lacagtii guddoonsiisay Maxamed iyo Qoyskiisa, kuna baahisay baraha bulshada.

    Waqti yar kadib waxaa Guriga wiilka gaaray wakiilada Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo ku sugan America, waxaana ka wakiil ahaa ku xigeenkiisii C/llaahi Xaaji Ereg, oo qoyska gaarsiiyey in xaaladda caafimaad ee Maxamed Ayuub uu la wareegay Guddoomiye Taabit.

    Image may contain: 3 people, people sitting

    Image may contain: 1 person, sitting and outdoor

    Maxamed waa 17 sano jir, 9-kii sano ee la soo dhaafay waxa haayay xanuun neerfa ah waxa uuna ka haleelay qeybta sare ee jirkiisa sida Madaxa iyo qoorta. Waxa uu degan yahay Degmada Deyniile, waxa uu u weyn yahay 3 Caruur ah oo Aabahood uu geeriyooday, waxa gacanta ku heysa hooyadood Foosiyo iyo Ayeeyadood. Nolosha qoyska Maxamed waa mid aad u liidata mana awoodaan in Isbitaalada waa weyn ee Muqdisho ay wiilkooda geeyaan si xanuunka haya xal loogu helo.

    Dhinaca kale dad kala duwan ayaa deeq gaarsiiyey wiilkan xanuunsan, waxaana hadda xaaladiisu ay noqotay mid degdeg wax looga qabtay, iyadoo Xasan Cali Kheyre iyo Taabit Cabdi Maxamed ay ku tartameen dhinaca samafalka, kadib markii siyasadda ay ku kala tageen, taasoo faa’iido ugu jirto dadka danyarta ah iyo kuwa taagta darran ee gargaarka u baagan sida Maxamed Ayuub oo kale.

    Kheyre Maxamed Ayuub Taabit Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSAWIRRO: Diblomaasiyiin Soomaali ah oo tababar uga socdo magaalada Ankara ee Dalka Turkiga
    Next Article Ra’iisal wasaare ku xigeenka Turkiga oo Dhagax Dhigay Jid cusub oo laga dhisayo Magaalada Muqdisho [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo