Wiil dhaliyaro ah oo Soomaali-Mareykan ah ayaa ku guulaystay abaal marinta loo yaqaan “Facing Race Award” oo laga bixiyo gobolka Minnesota.
Wiilkan helay Abaal marintan ayaa lagu magacaabaa Xamse Warfa, waxaana snadkiiba mar bixiya ha’yadaha deeqda bixiya, iyadoo loogu talagalay in la siiyo dadka ka shaqeeyay arimaha bulshada ee ka qaybqaata isku soo dhawayta bulshooyinka kala duwan.
Wuxuu ka mid yahay Xamse Warfaa Soomaalida dhaqdhaqaaqa arrimaha Bulshada, Waana madaxa hay’adda cilmi baadhista Geeska Afrika iyo Ha’yada wadatashiga ee Tayo.