Wiil oo Soomaali ahoo Mindi lagu dilay magaalada London ee dalka Ingiriiska bartimihii bishan, ayaa muuqaaladiisa la shaaciyay iyadoo 16 sano jir loo qabtay dilkiisa, sida Booliska dalkaasi uu shaaciyey muuqaaladooda.
Sida ay qortay Saxaafadda Ingiriiska Cisman Shidane oo 20-sano jir ayaa lagu weeraray Victoria road in Bariga Ruislip Talaadadaii, sida uu sheegay afhayeenka Booliska, waxaana uu dhintay kadib dhowr maalmood oo xaalad culus uu ku jiray Isbitaalka.
Qoyska wiilka lagu magacaabo Cisman Shidane ayaa sheegay inuu dilkiisa ka mid ahaa 3 qof oo 72-kii saacadood ee la soo dhaafay lagu dilay magaalada London. Cisman Shidane ayaa ku geeriyooday Isbitaalka.
Booliska ayaa sheegay in dilka Cismaan Shidane uu ka danbeeyay wiil 16 sano jir ah, kaasoo aan magaciisa la shaacin arrimo sharci ah awgood ayaa la sheegay inuu kasoo jeedo degaanka Hillingdon, waxaana la qabtay Arbacadii, wuxuuna muuqaalkiisa u eg yahay Soomaali
Wiilka lagu eedeeyay dilka Cismaan Shidane
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA MARXUUMKA