Shilkii shalay ka dhacay Iskuul ku yaala Magaalada Trollhättan ee Koofur Galbeed dalka Sweden oo uu geystay nin uu weerar ku ku qaaday School-ka waxaa ku dhintay 4 qof oo mid ka mid ahaa uu noqday ahaa muwaadin Soomaaliyeed.
Weerarka waxaa fuliyay nin wejiva soo xirtay oo dilay Macallin ka soo jeeda dalka Ciraaq oo Iskuulka wax ka dhigayay iyo arday Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Axmed Xasan oo isna 15 jir ahaa kaas oo 3 sano ka hor tegay dalka Sweden. Waxaa kaloo dhintay nin kasoo jeeda Kosovo iyo ninka weerarka geystay.
Boliiska ayaa sheegaya in warbixinnada horudhaca ah ee ay helayaan ay qeexeen in Ninka dilka fuliyay Lafyan skander uu ka mid ahaa dadka ka soo horjeeda Muhaajiriinta wadanka Sweden lagu soo dhoweeyo. Gacan ku dhiiglaha ayaa isna u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ku fureen ciidamada Boliiska Sweden, wuxuuna adeegsaday baangad weyn oo uu weerarka ku geystay.
Wadani.com