Wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Faarax Fiidow ayaa ugu geeriyooday caawa dhaawac culus oo kasoo gaaray markii uu jiiray Gaari ka mida Kolonyo ka tirsan ciidamada ATMIS oo marayey degaanka Ceelasha biyaha Shalay.
Shilka Gaadiidka ATMIS ku lug yeesheen ayaa dhaliyey caro weyn, iyadoo dhaawaca Marxuum C/raxmaan Faarax la dhigay Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho, halkaasoo kuu u geeriyooday.
Wiilkan ayaa ka mid ahaa Ardayda ka qalin jebisay Jaamacadda Muqdisho, isagoo abuurtay shaqo Harqaan Dharka lagu tolo oo uu noloshiisa ku maareeyo.
Afhayeenka ciidanka Booliska oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku saabsan shilkaas, lana gaarsiiyey hayadihihii dowlada ee ku shaqada lahaa. Wiilka ayaa la filayaa in maanta lagu aaso duleedka Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya inay socoto waanwaan lagula jiro Taliska ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS si xal loogu helo arrinta wiilka ku dhintay shilka ay galeen ciidamada ATMIS.
Dhinaca kale, waxaa arrintan ka hadlay Maamulka Degaanka Lafoole oo War ay soo saareen ku sheegay in Kolonyada ATMIS ku Dileen qof shacab ah oo marayay Suuqa ceelaha Biyaha, ayna la Xiriiyeen Taliska ATMIS.
Qoraal saaka kasoo baxay Taliska ATMIS ayaa lagu sheegay in shilka uu yimid, kadib markii wiilka dhintay uu soo dhex galay laba Gaari oo ka mida Kolonyada ATMIS, taasoo nasiib darro ahayd, waxayna tacsi u direen qoyska uu ka dhintay wiilkaasi.
Qoraalka ATMIS ayaa lagu sheegay jid-gooyadii ay dadka degaanka ku sameeyeen Kolonyadi ATMIS, iyo in Geerida wiilka ay timid xilli lagula tacaalayo isbitaalka, kiiskana ay sii anba qaadi doonaan kooxda ATMIS Hay’adaha dowladda Soomaaliya.
