Wararka lagha helayo dalka Suuriya ayaa sheegaya in wiil uu dhalay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe lagu dilay Suuriya.
Willkan oo ka tirsanaa kooxda Daacish ee loo yaqaan ISIS ayaa wararku sheegayaan in uu dhintay aakhirkii December 2017, waxaana lagu magacaabi jiray Xuseen Feysal Cali Waraabe oo duqeyn dhinaca cirka ah lagu dilay.
Goobjoognews ayaa soo xigatay Cali Feysal Cali Waraabe oo la dhashay Xuseen Feysal, kasoo sheegay inuu dhintay walaalkii, balse lama sheegin halka lagu dilay iyo faahfaahin ku saabsan qaabka dilkiisa.
Wiilka uu dhalay guddoomiyaha xisbiga UCID ee Xuseen Feysal Cali Waraabe ayaa ku biiray kooxda Daacish sanadkii 2013, isagoo kasoo muuqday muuqaallo ay baahisay Daacish xilliyo kala duwan.
Wiilkan ayaa Daacish dhexdeeda looga yiqiin Abuu Shuceyb Al-Soomalai, waxaa uu heystay dhalashada dalka Finland oo ah halka uu degan yahay aabihii Feysal Cali Waraabe. wuxuu mar isku dayay inuu ku biiro Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.