Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, July 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Wiil uu Sodog u yahay Madaxweyne Trump oo hoos loo dhigay oo Darajadiisa Aqalka Cad [Akhriso sababta]

    Wiil uu Sodog u yahay Madaxweyne Trump oo hoos loo dhigay oo Darajadiisa Aqalka Cad [Akhriso sababta]

    February 28, 20183 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wiilka uu sodoga u yahay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, islamarkaasna ka mid ah la taliyeyiisha sarsare, Jared Kushner ayaa hoos loo dhigay darajadiisa Aqalka Cad.

    Wiilkan ayaa laa joojiyey ogolaanshaha amniga ee Aqalka Cad, taasoo ah illaa heerka uu qofka galaangal u leeyahay siraha iyo xeendaabyada fadhiga looga taliyo dalka amniga dalka Mareykanka iyo warbixinadda joogtada ah ee dhinaca amniga dalka Maraykanka.

    Mr. Kushner oo helayay xogaha sirta ah ee Aqalka Cad ayaa la sheegay in wali lagu hayo baaritaan la xiriira taariikhdiisii hore, sidaas darteed ogolaanshaha uu heysto waa mid kumeelgaar ah.

    Bogga Politico oo soo xiganaya qareenka Kushner ayaa soo qoray in arrintan aysan saamayn doonin shaqada uu ka hayo Aqalka Cad. Afhayeen u hadlay Kushner oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in dad kale oo la heer ah Kushner sidoo kale dib loo dhigay ansixintooda amniga.

    Arrintan ayaa waxa ay imaanaysaa xili Aqalka Cad uu soo rogayo xanibaado dheeraad ah oo lagu dhawrayo sirta. Jeneral John Kelly oo ah agaasimaha Aqalka Cad ayaa bishan horaanteedii sheegay in uu dhimi doono tirada dadka heysta ansixinta amniga, ee arka siraha xasaasiga ah.

    Mar sii horeysay ayaa la shaaciyay in afhayeenka Kushner Josh Raffel uu ka tagayo Aqalka Cad. Warbixin uu soo qoray wargeyska Washington Post ayaa lagu sheegay in Aqalka Cad uu walwal ka qabo xiriirka uu Kushner la leeyahay dowlado shisheeye.

    Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil hadda shaqeeya iyo kuwa hore , ayaa sheegay in dowladaha Imaaraatka Carabta, Shiinaha, Israa’iil, iyo Mexico ay ka hadleen sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen Kushner iyo hawlihiisa ganacsi.

    Kushner ayaa isaga oo aanan lahayn qibrad siyaasadeed waxaa loo magacaabay la taliye sare, waxaana loo xil saaray arrimaha wadahadalka bariga dhexe. Balse waxa uu caqabado kala kulmay arrimaha ku saabsan taariikh nololeedkiisa iyo xogta uu ka bixiyay.

    Waxa uu ku qasbanaaday in uu dib u buuxiyo galka lagu qoro xogaha taariikhda nolosha qofka, taas oo ay qasab tahay in uu buuxiyo qof kasta oo shaqo ka galaya Aqalka Cad.

    Balse ninka madaxda ka ah laanta qaran ee dabogalka taariikh nololeedka dadka ayaa guddi Aqalka Cad ah u sheegay in uusan waligiis arag wax la mid ah arrinta Kushner, isaga oo sheegay in galkiisa ay ku jireen qaladaad aad u tiro badan.

    Kushner ayaa ahaa ninka ugu badan ee xogaha weeydiista laamaha ammaanka ee aanan haddane xubinta ka ahayn golaha ammaanka qaranka, ayaa hadda baalasha laga rifay.

    Arrintan ayaa waxa ay ka dhigan tahay waji gabax ku yimid Kushner, isaga oo aanan ka qeybgali doonin kulanka xog waranka ah ee maalin kasta ay hay’adaha sirdoonka siiyaan Trump, taasi oo micnaheedu yahay in uusan haynin xogta rasmiga ah ee ay u baahanyihiin dowladaha la sheegay in uu wada shaqaynta la leeyahay.

    Jared Kushner Trump US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Mareykanka oo Duqeyn kale ka fuliyey Somalia, kuna dilay xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab
    Next Article Ciidamada dowladda ee Gobolka Hiiraan oo kooxda Alshabaab kala wareegay degaanka Moqokori

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo