Dhacdo naxdin ayaa ka dahcay magaalada Muqdisho kadib markii wiil yar uu isku dilay bistoolad uu ku ciyaarayay.
Wiilkan yar oo 12 sano jir ah ayaa la sheega inuu xalay fiidkii isku dilayxaafadda Buudheere ee degmada Waaberi, magaalada Muqdisho, markii bistoolad uu qaatay bistoolad uu lahaa aabihiis markii uu damcay inuu ku ciyaaro ay ku fakatay.
Arrintan ayaa naxdin ku noqotay qoyska shilkan qabsaday, waxaana wiilka lagu magacaabi jiray Cadnaan Cabdi Cali la sheegay inuu galay qolka aabihii kadibna la maqlay xabbad dhacday, iyadoo guriga lagu dhex arkay wiilkii oo meyd ah.