Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Wiilal Somali ah oo ku biiri lahaa Daacish oo lagu xiray Mareykanka & Trump oo ka hadlay

    Wiilal Somali ah oo ku biiri lahaa Daacish oo lagu xiray Mareykanka & Trump oo ka hadlay

    July 30, 2019Updated:July 30, 20192 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waaxda cadaaladda dalka Mareykanka ayaa sheegtay in la xiray laba wiil oo Soomaali ah oo doonayey inay ku biiraan ururka Daacishm una socdaalkaan dalka Masar, iyadoo taageero agab iyo dhaqaale siinaya kooxda Daacish.

    Labada wiil oo lagu kala magacaabo Ahmed Mahad Mohamed, oo da’diisu tahay 21 sano jir, iyo Cabdi Yemeni Hussein oo 20 sano jir ah, ayaa 26-kii July lagu xiray gobolka Arizona ee dalka Mareykanka iyagoo dooneyay inay u duulaan dalka Masar.

    Kiiska labada wiil ayaa waxaa kala shaqeeyay nin ka tirsan FBI-da Mareykanka oo isaga dhigay inuu yahay nin taageersan Daacish, sidaana ugu fududeeyay arrimo badan si uu kiiskan lugaha ugu geliyo, waxaana Dacwadda lagu soo oogay labada wiil ee hadda eedeysanayaasha ah ay tahay mid uu ku abuuray minka shaqaalaha ah ee ka tirsanaa FBI-da.

    Xiriirka dhex-maray labada Soomaalida ah iyo qofka ka tirsan FBI-da, ayaa shaaca ka qaaday inay damacsanaayeen inay u safraan dibedda oo ay u dagaalamaan Daacish, ama weerar ka fuliyaan gudaha Mareykanka, haddii ay awoodi waayaan inay safraan. Ugu dambeyn, eedeysanayaasha ayaa iibsaday tikidh ay ugu safrayaan dalka Masar, si ay u gaaraan gobolka Sinai uguna biiraan Daacish.

    Wakiilo ka tirsan FBI-da ayaa xiray Ahmed iyo Abdi markii ay yimaadeen garoonka diyaardaaha caalamiga ah ee Tucson International Airport ee gobolka Arizona. Sida ku cad dacwad dambiyeedkooda, labada eedeysane ayaa dalka Mareykanka ku yimid qaxooti ahaan, waxayna kasoo jeedaan Soomaaliya. Ahmed ayaa haysta kaarka degenaashaha Mareykanka (Green Card), halka Abdi uu weli yahay qaxooti.

    Waaxda caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in dacwadaha ka dhanka ah labada nin ay weli yihiin eedeyn oo kaliya, islamarkaana aysanw ax dambi ah lahay illaa ay sidaas uga caddeyso maxkamad.

    Qaabkan ayaa ah sida FBI-da Mareykanka u ugaarsato Soomaalida, iyadoo xubno ay qortay la saaxiibaan dhalinyarrada Soomaaliya, kadibna kiis loo sameeyo, iyadoo lagu abuurayo inay niyada ka jecel yihiin argagixisada haddii ay awood lahaan lahaayeenna ay geysan lahaayeen, dilal iyo qoor-goyn sida ay sameeyso Daacish.

    Somali refugees arresed in Tucson on way to Egypt. They were in touch with an agent posing as a terrorist. One of them stated, “The best wake up call is Islamic State to get victory or another 9/11.” Get smart people! #MAGA #KAG @foxandfriends

    — Donald J. Trump (@realDonaldTrump) July 30, 2019

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trum oo muddooyinkan dambe weerarro jinsi naceyb ah ku qaaday haweeneyda Soomaalida ee ka mida Koongareeska Mareykanka Ilhaan Cumar iyo siyaasiyiinta Madowga Mareykanka ayaa kiiskan ku soo qoray boggiisa Twitter-ka wuxuuna ka digay Soomaalida Qaxootiga ku ah Mareykankan halistooda.

    2 refugees from Somalia Trump Tuscon US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAxmed Madoobe oo Ciidamo cusub ku wareejiyey Amniga Kismaayo [Sawirro]
    Next Article Madaxweyne Farmajo: “Waa in xasiloonida siyaasadeed een heysano la gaarsiiyo maamul Goboleedyada”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo