Wararka laga helayo dalka Sacuudiga ayaa sheegay in wiilka uu dhalay saxafiga la dilay ee Kamal Kashoqgi uu ka dhoofay maanta dalka Sacuudiga.
Warar ay baahiyeen wakaaladaha Wararka ayaa sheegay in Salah Jamal Kashoqgi iyo qaar ka mida qoyska saxafiga la dilay ay u dhoofeen dalka Mareykanka oo uu deganaa aabahood intii aan lagu dilin Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.
Wiilka ugu weyn wiilasha Jamal Kashoqgi ee lagu magacaabo Salah ayaa heysta dhalashada Mareykanka, wuxuuna dhowaan qarsiga boqortooyada ee magaalada Riyaad ku qaabilay Boqorka iyo Dhaxalsugaha Sacuudiga oo uga tacsiyadeeyay geerida aabihiis.
Sacuudiga ayaa hore xayiraad dhinaca socdaalka ah ugu soo rogay wiilasha uu dhalay Jamal Kashoqgi, markii uu aabahood bilaabay inuu wax ku qoro Wargeyska Washington Post, arrintaas oo ahay mid dhibaato weyn ku heysay saxafiga.