Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in haweeney sidatay Bistoolad ay toogasho ku dishay oday caan ka ahaaa xaafadda Xamarbile, degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Falkan oo ah mid ku cusub magaalada ayaa dadka degaanka sheegeen in haweeney soo xiratay dareyska ciidamada Booliska ay weerar ku soo qaaday isla markaana toogasho ku dishay nin lagu magacaabi jiray Xasan Qoor oo ka mid ahaa odayaasha Caanka ka ah xaafada Xamarbila.
Haweeneydan ayaa rasaas ooda uga qaaday odaygan oo ku sugnaa goob ay dad badan joogeen kadibna goobta ka baxsatay, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay aqoonsan karaan haddii ay arkaan.
Ma jirto cid sheegtay dilkaasi, waxaana dadka la yaab ku noqday dilka ay fulisay haweeneydan soo xiratay dareyska ciidamada Booliska, iyadoo ay noqoneyso markii ugu horeysay fal noocan ah uu dhaco.