Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sheegay inuusan jirin wax heshiis ah oo weli laga gaaray khilaafka madaxda Galmudug.
Isagoo xalay ka hadlayay kulan uu magaalada Muqdisho kula yeeshay Wasiirada Iyo xildhibaanada Maamulka Galmudug iyo waxgarad kala duwan ayaa sheegay in arinta khilaafka Galmudug uu la wareegay madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Wuxuu intaas ku daray inuusan jirin wax heshiis ah oo ilaa iminka laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay isaga iyo ku-xigeenkiisa iyo gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo hadda Muqdisho ku sugan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo kala gaara la yeeshay madaxda is khilaafsan ee Galmudug, waxaana sidoo kale Muqdisho loogu yeeray xildhibaanada Galmudug, iyadoo ay weli socdaan dadaalladii lagu doonayay in xal loogu helo xiisadda siyaasadeed ee Galmudug.