Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ka hadlay cadaadiska ay dowladda Federaalka ku heysto maamulkiisa, isagoo caddeeyay inay ka bixin doonaan oo aysan cidna ku gumeysan karin degaanadooda.
Isagoo ka hadlayey xaflad ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayuu sheegay in khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka uu keenay cadaadis shaqsi ahaan isaga u gaara, ayna iska caabinayaan culeysyada heysta, wuxuna soo qaaday dadka kasoo horjeeda inaysan rabin wanaagooda.
“Waad ogtihiin caqabadaha heysta, wax badan ayaa jira aniga Gurigeyga mudo sanad ah ma tegin, Cadaado-na Diyaarad ayaan ku maraa,.. hadda run ayey tagtay waan shaqeysaneynaa, waan isku tashaneynaa… ciddii nasoo weerartana gaashaanka ayaan u daruureynaa..” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf
HOOS KA DHAGEYSO