Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo kuxigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey ayaa maanta ka degay magaalada Jabuuti.
Labada mas’uul ayaa Jabuuti u tegay wadahadal heshiisiin ah oo IGAD ay soo qabanqaabisay kaasoo ay halkaasi ku yeelanayaan madaxda Ahlu suna iyo Galmudug. Waxaana labada mas’uul oo khilaaf weyn dhex yiillay la sheegay inaysan heshiis kama dambeys ah weli gaarin, balse uu dhexdhexaadiyay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Qorshaha IGAD ka dhex wado Ahlu suna iyo Galmudug ayaa la xaqiijiyay inaysan waxba kala socon dowladda federaalka, isla markaana aan lagala tashan, iyadoo uu ku bilowday qaab qarsoodi ah oo Magaalada Nairobi lagu kulansiiyay madaxwe Xaaf iyo labada mas’uul ee ugu sareysa Ahlu suna.