Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, July 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Puntland»Xaaf oo ka digay Qorshe Madaxweyne cusub oo lagu dooranayo Cadaado [Akhriso War-saxaafadeed]

    Xaaf oo ka digay Qorshe Madaxweyne cusub oo lagu dooranayo Cadaado [Akhriso War-saxaafadeed]

    October 19, 20173 Mins Read Puntland
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Galmudug oo qaar ka mida xildhibaannada maamulkiisa ay xilka ka qaadeen Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ka digay qorshe lagu doonayo in madaxweyne cusub lagu doorto magaalada Cadaado.

    War-saxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay inay socdaan qorshe laga wado xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya oo xildhibaanno ka tirsan Galmudug doonayaan inay 22-ka bishan ku doortaan Madaxweyne magaalada Cadaado.

    Wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka inay kharashkii ka jaratay maamulka Galmudug ayna kharashkaasi u adeegsanayaan inay abaabulka ciidamada jooga Cadaado iyo xildhibaano.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA XAFIISKA XAAF KASOO BAXAY

    Ujeeddo: Eedeyn Madaxda ugu saraysa DFS

    Sida aad la socotaan, waxaa ka jiray todobaadyadan dambe magaalada Cadaado , caasimadda ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug, qalalaaso siyaasadeed ka dib markii uu fashilmay Afganbi la doonayay in lagu burburiyo Galmudug 26/09/2017, taas oo qayb mug leh ay ka qaateen xafiiska madaxweymaha DFS iyo Ra’iisulwasaaraha DFS, taas oo wax u dhibaysa hanaanka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.

    Madaxdaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre, waxay goor hore ku bilaabeen cunaqabatayn dhaqaale DGGM, ka dib markii ay ka jareen lacagtii kaalmada ahayd ee ay siin jireen. Ka dibna waxay bilaabeen in ay u adeegsadaan hantidii qaranka, Taliyaha Qaybta 21aad ee Xoogga Dalka Soomaaliya, qaar ka mid ah saraakiisha NISA ee ka howlgala Galmudug iyo shaqsiyaad kaleba bur-burinta maamulka u dhisan Galmudug.

    Sidoo kale, waxay abaabulayaan qaar ka mida xildhibaannada Dowlad Goboleedka Galmudug iyagoo ku bixinaya lacaga fara badan si ay madaxweyne ugu doortaan Cadaado dhexdeeda ugu danbayn 22da Oktobar 2017ka, waxayna maleeyshiyaad hubaysan kusoo gurayaan magaalada cadoodo, arrimahaas oo dhalin kara iska hor imaad ay ka dhalan karaan wax walba.

    Dhamaan falalkaas kor ku xusan waxay dhacayaan xilli dalku uu ku jiro Tacsi iyo Baroordiiq qaran oo loo murugoonayo xasuuqii shacabka loogu geystay qaraxii ka dhacay Muqdisho 14/10/2017, iyadoo aduunku tacsi iyo gurmad inoo fidinayo, shacabka reer Galmudugna ay u dheertahay qalalaasa siyaasadeed, amni darro iyo cunoqabatayn dhaqaale oo ay ku hayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha DFS, taas oo horseedi karta in ay wajiyo kale qaadato xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee hadda ka jirta Galmudug.

    Sidaas darteed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wakiilka Gaarka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Madaxda Urur Goboleedka IGAD, Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada iyo dhamaan Dalalka aan saaxiibada nahay ee daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaan ka codsanaynaa in ay si deg-deg ah usoo faragelinyaan gardarada qaawan ee Madaxweynaha DFS iyo Ra’iisulwasaarihiisu ku hayaan Dowlad Goboleedka Galmudug, waxna ay ka qabtaan ka hor 20ka Oktbar 2017ka, inta aanay xaaladdu faraha ka bixin, wixiii dhibaato ah ee ka dhasha faragelintaas waxaa masuuliyadeeda dhabarka saaranaya Madaxweynaha DFS iyo Ra’iisulwasaarihiisa.

    Cadaado Galmudug Xaaf
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMagaalada Boosaaso oo ururisay lacag saddex laab ka badan Kharashka Mareykanka ku deeqay!
    Next Article SAWIRRO: Dib u dhis lagu bilaabay Laamigii uu burburiyay Qaraxa ee Wadadda Zoope

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo