Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa qaadacay ka qeyb galka shirka Amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo ku casuumay madaxda dowlad Goboleedyada dalka.
Qoraal kasoo abxay wasaaradda Warfaafinta Galmudug ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu fulin waayey qodobadii lagu heshiisyay kulamadii magaalada Garowe oo ay ugu muhiimsaneyd in xayiraadda laga qaado dhaqaalaha maamul goboleedyada oo Galmudug muddo 9 bilood ah ka xayiran iyo mashaariic ay dowladda Federaalka ka xayirtay maamulka Galmudug.
Galmudugta uu hoggaamiyo Mudane Xaaf ayaa shuruud ka dhigtay inaysan shirka Muqdisho ee Amniga Qaranka ka qeyb galeynin haddii aanay dowladda federaalka fasixin miisaaniyadda Galmudug iyo mashaariicda ay ka xayirtay.
AKHRISO
