Madaxweynaha Galmudug ee xilka sii haya Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa khudbad kooban ka jeediyey, isagoo si aan la fileyn uga hadlay xaaladda Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kusoo dhoweeyay Madaxweyne Xaaf inuu khudbad ka jeediyo shirka si uu uga hadlo siyaasadda loo dhan yahay oo qeyb ka ah qodobadda maanta looga hadlayey shirka, Isagoo xaaf khudbadiisa ku bilaabay in shirka laga maqan yahay, laakiin ay rajeynayaan inay madaxda maqan yimaadaan dibna loo midoobo.
Xaaf ayaa sheegay inuu rajo ka qabo inay wada shaqeeyaan dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada oo xitaa ay Somaliland kusoo biirto wixii shirkan ka danbeeya, wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay inay taageero ka geysato dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo bulshada oo ay fuliso ballanqaadyadeeda.
“Siyaasadda waa inaan u jiheyno kuwa naga maqan..” ayuu yiri Madaxweyne Xaaf oo si weyn u soo koobay khudbadiisa, waxaana bogaadin iyo ammaan u jeediyey Ra’iisal wasaare Kheyre oo shirka ka sheegay in Xaaf la’aantiisa aan horumar laga gaareen maamulka Galmudug oo Doorsho xalaal ah oo loo dhan yahay ay ka dhici doonto dhowaan, iyadoo kala guurka uu hoggaamin doono Madaxweyne Xaaf.
Xaaf ayaa la filayay inuu khudbad kulul ka jeediyo shirka oo uu cambaareeyo dowladda Federaalka, waxaana arrintan rajo badan ka qabay siyaasiyiinta mucaaradka, laakiin waxaa muuqatay in si hoose loo xaliyey tabashooyinkii keenay in shirkan ka hor uu soo saaro war-saxaafadeed uu uga hor yimid qorshaha dowladda Federaalka ee Galmudug.