Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Xaafado ka mida Muqdisho oo ka baxay Gacanta Ciidamada taageersan Farmaajo iyo Xaaladaha ka dhalan kara..

    Xaafado ka mida Muqdisho oo ka baxay Gacanta Ciidamada taageersan Farmaajo iyo Xaaladaha ka dhalan kara..

    April 17, 2021Updated:April 19, 20212 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa gashay jaha-wareer siyaasadeed oo mid amni u xuub siibanaya, kadib markii madaxweynaha xilkiisu dhammaaday u kororsaday muddo 2 sano ah, waxaana soo baxay aagag cusub oo ay degayaan saraakiil iyo madax hore.

    XAAFADDA SHIIRKOLE

    Xaafadan ee degmada Hodon ayaa noqotay goob aanay ka talin ciidamada taageersan Maxamed C/llaahi Farmaajo markii uu saldhig ka dhigtay taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo ciidamada dowladda ay laba jeer isku dayeen inay ku weerarraan Gurigii uu ka degayaa Muqdisho ee u dhow Garoonka Muqdisho.

    Xaafadan qeyb ka mida ayaa la jaray wadooyinka, iyadoo carro-tuur lagu sameeyay, waxaana ku sugan ciidamo fara badan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hubka culus, halkaas oo hadda ah aag ka caagan ciidamada ka amar qaata Farmaajo, markii xalay xaalad adag iyo dagaal lagu sigtay, kadibna ay ka laabteen ciidamadii laga diray Villa Somalia.

    C/CASIIS IYO KAARAAN

    Xaafado ka mida degmooyinka isku dhegan ee C/casiis iyo Kaaraan waxaa sal dhigtay madaxweynihii hore ee Xasan Seekh, waxaana wehliya ciidamo taabasan, iyadoo uu dhinaca ku hayo Senator Muuse Suudi oo isna leh ciidamo taageera.

    Aaggaas ka bilowda isgoysa Mirinaayada waxaa ku sugan ciidamo kale oo kuwa dowlada ah, balse ka amar qaata Xasan Sheekh iyo Muuse Suudi, waxaana lagu qasbaa gaadiidka dagaalka ciidamada Madaxtooyada inay dib uga laabtaan, iyadoo oo aanay geli karin ciidamada taabacsan Farmaajo.

    Sidoo kale waxaa la filayaa in madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu dego mid ka mid degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo C/casiis.

    HODON IYO DEYNIILE

    Musharixiintii hore ee Xasan Cali Kheyre iyo C/raxmaan C/shakuur ayaa sidoo kale isu diyaarinaya inay degaan xaafado kale oo ka mida degmooyinka Hodon iyo Deyniile, taasoo qeyb ka qorshe ay amnigooda u sugayaan markii doorashadii dalku geli lahaa la soo xiray.

    Halista ka dhalan karta ciidamo iska horjeeda oo Muqdisho ku wada sugan iyo degaano ka baxa gacanta ciidamada taageersan Farmaajo ee weli huwan magaca dowladda waa mid muuqata, iyadoo rajada hartay ay tahay inuu Farmaajo ka laabto muddo kororsiga ama cadaadis uga yimaado dhinacyo kale.

    Farmaajo Muddo kororsi Muqdisho Saadaq Joon Top Xaafad Muqdisho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAxmed Madoobe oo xilalkii ka qaaday taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugidda Jubbaland
    Next Article Baarlamaanka Puntland oo Go’aan Culus ka qaatay Muddo kororsiga Farmaajo iyo Cod loo qaaday

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo