Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Xaalad ka taagan kulanka Baarlamanka ee maanta iyo Xildhibaano ka digay Qorshaha muddo kordhinta Farmaajo

    Xaalad ka taagan kulanka Baarlamanka ee maanta iyo Xildhibaano ka digay Qorshaha muddo kordhinta Farmaajo

    March 27, 2021Updated:March 27, 20213 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shaki iyo xaalad hubanti la’aan ah ayaa hareysay kulan uu guddoonka Baarlamaanka ee xilligiisu dhammaaday maanta isugu yeeray xildhibannada Golaha Shacabka oo la sheegay in looga hadlayo Xaaladda Covid-19.

    Xildhibaannada Mucaaradka ayaa is cad u sheegay in kulankan uu yahay mid qorshe gaara laga wato laguna doonayo in muddo kordhin loogu samaeyo hay’adaha dowladda Federaalka iyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, kana digay in arrintaasi ay dalka u horseedi doonto qalalaase.

    Kulanka ayaa imaanaya iyadoo shalay galab ay Muqdisho shir ku yeesheen xildhibaannada taageersan Maxamed Farmaajo, kuwaasoo qaarkood sheegay inay muddo kordhin sameynayaan, waxaana shakiga sii kordhiyey ajendaha shirka ee Covid-19 oo aan lasoo marin guddigii qaabilsanaa.

    Xildhibaan Luul Cabdi Aadan oo ka mida taageerayaasha Farmaajo ayaa laga so xigtay inay kulankii shalay ka tiri: “2 Sano ayaan rabnaa inaan Ku darsano Anaga , runtaan kuu sheegaayaa” .

    Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa farriintan diray kadib farriinta Guddoonka Golaha shacabka: Dulqaadka Xildhibaanada in qalad loo fahmo ee maalin walba qorshe Farmaajo gadaal ka riixayo Golaha Shacabka lala hor yimaado waa ceeb iyo foolxumo. Mana aqbalayno!

    Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo arrintan ka hadlay ayaa qoraal uu soo diray ku yiri: “Fariinta loo diray xubnaha xilgaarsiinta ee Golaha Shacabka waa fariin Xanbaarasan Muddo kordhin uu gadaal ka riixayo Maxadaweynihi waqtigiisu dhamaaday waana isku daygi ugu danbeeyay ee Farmaajo uu ku doonayo in uu Villa Somalia kusii joogo Balse Waxaan leeyahay iimaanka allah ha idin geliyo asiga iyo inta ku fikirka ahba umadana ka hor qaada isbaarada siyaasadeed waana in uu dalku aado doorasho”.

    Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan xildhibannada mucaaradka ayaa iska ka digay muddo kororsi: “Fariintaan waxaa ku dhex qarsoon fariin kale “MUDDO KORORSI” hadii u jeedka uu yahay COVID-19 Golaha wuxuu Lee yahay Habraaciyo la soo marsiiyo Ajendiyaasha ka hor inta aan Golaha la hor keenin.Guddiga Caafimaadka ayaa marka Hore ka soo doodi lahaa, majirto meel ay uga soo doodeen. Gudoomiye Mursal Waxaa muuqata inuu Ku sii siqaayo Taariikh Mugdi ah, hadii uu Berri Halkaas La Soo istaago Muddo kororsi kumana guuleeysan doono Diiwaankana waa u geli doonta”.

    Waxaa kaloo arrintan ka hadlay xildhibaan Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi oo sheegay inuu jiro shaki badan oo kulanka maanta ku saabsan: “Ma garan karo in la yiraahdo Covid-19 ayaa laga doodayaa.. waxay ahayd in lasoo maro Guddiga Arrimaha bulshada. Shaki badan ayaa jira in loo socdo muddo kordhin madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.. dad ayaa balaayo u bir tumaaya… Baarlamaankan laftiisa ayaa muddo gaarsiin ah…Guddoonku uma sahlana inuu muddo kordhin ku dhawaaqo.. Haddii ay dhacdo waxaa cad inuu yahay inqilaab dastuuri ah; wax caqli geli kara maaha.. ma qabo inuu ku dhiiran karo guddoomiyaha Baarlamaanka”.

    Baarlamaanka Farmaajo Muddo kororsi
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleQarax lala beegsaday Taliyaha Ciidamada Maamulka G/Banaadir iyo faahfaahin laga helay…
    Next Article Dowladda Ingiriiska oo si weyn uga hor timid Muddo kordhin loo sameeyo Farmajo iyo Hay’adaha dowladda

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo