Xaalada milatari ayaa laga dareemay caasimadda Muqdisho, kadib ciidamo badan oo lasoo dhigay waddooyinka iyo shirar ka socda Madaxtooyada.
Golaha Wasiirada xukuumadda xilgaarsiinta ayaa maanta la isugu yeeray, waxayna yeelanayaan shir la sheegay inuu xasaasi yahay xilli ay soo baxday eedeyn dhul boob ah oo uu Ra’iisal wasaaraha u jeediyey Taliyaha Ciidamada Badda.
Ciidamada ku hubeysan gawaarida dagaalka ee Beebayaasha ayaa xiray waddada Maka Almukarrama iyo wadooyinka ka baxa, waxaana la hakiyey isu socodka gaadiidka, iyadoo aan xilliyadaan oo kale ay wadooyinku mashquul yihiin.
Waxaa la isla dhex marayaa go’aanno kasoo bixi doona Golaha Wasiirada, xil ka qaadis iyo tallaabooyin kale oo laga filayo Madaxtooyada, kadib xiisad mar labaad soo xoogeystay oo u dhaxeysa Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble.
Ciidamada wadooyinka la dhigay ayaa sabab looga dhigay xaflad Farmaajo uu ku furayo dhismaha Wasaarad uu hore u furay Ra’iisal wasaare Rooble.
Villa Somaliya ayaa maalmihii ugu dabnbeeyay qaaday tallaabooyin ay ku beegsaneyso Ra’iisal wasaare Rooble, kadib markii uu xilka ka qaaday 7 kamida Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo la sheegay inay gacansaar la lahaayeen Farmaajo.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..


