Xiisad siyaasadeed ayaa la aloosan magaalada Muqdisho kadib xeerkii Madaxweyne ee maanta uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo awoodii Baarlamaanka la wareegay, isla markaana ansixiyay heshiiskii Doorashada ee uu qeybta ka ahaa.
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u dhoofay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, isagoo halkaasi uga qeyb geli doona shir caalamiga ah oo looga hadlayo arrimaha Adanaha oo lagu wado inuu berito oo Isniin ah ka furmo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Shirkaasi waxaa ka qeyb galaya wufuud caalami ah, iyo in ka badan 70 hogamiye iyo waliba 6,000 aqoonyahaano, waana markii ugu horeysay shirweyne noocan ah oo ay dowladda Turkiga Martigeliso.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa hadda noqonaya kusime madaxweyne, waxaana xildhibaanada Baarlamaanka ay olole ugu jiraan inay burriyaan xeerka Madaxweyne ee soo baxay maanta.
Wadani.com