Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inay kacsan tahay xaaladda magaalada, kadib markii ay xalay ciidamada degaanka kasoo jeeda iyo maleeshiyooyin ay la wareegeen xarumaha maamulka ee magaalada.
Ciidamada gadoodsan ee kasoo jeeda degaanka iyo maleeshiyada hubeysan ayaa ka horjeeda inuu magaaladaasi tago madaxweynaha Hirshabeelle oo warar soo baxay sheegayeen inuu maanta ku wajahnaa halkaasi.
Odayaasha dhaqanka ee Beesha Bariga Magaalada Beledweyne ayaa diiday waanwaan ay wadeen xildhibaanno iyo mas’uuliyiinta degaanka ee halkaasi dhowaan tegay, waxayna diideen in magaaladaasi uu tago Madaxweynaha Hirshabelle Cali C/llaahi Guudlaawe.
Siyaasiga C/llaahi Goodax Barre ayaa noqday kan kaliya ee taageeray kacdoonka iyo gadoodka cusub ee ka jira magaalada Beledweyne, isagoo wada olole u taageero ugu fidinayo xaaladda ka jirta magaalada Beledweyne.
Guud ahaan magaalada ayaa xiran, waxaana wadooyinka jooga ciidamada gadoodsan, iyadoo sidoo kale ay magaalada tageen maleeshiyo uu horkacayo Jeneral Xuud, waxaana weli wax War ah kasoo bixin maamulka Gobolka Hiiraan iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ee ku sugan magaalada.
Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed iyo Gudoomiyihii gobolka Cali Jayte Cusmaan ayaa ku sugan Beledweyne gaar ahaan xerada Lama-galaay halkaas oo ay ku haystaan ciidamo ilaallo u ah. Ciidamada qabsaday magaalada ayaa fadhiya aaggag ku dhaw halka uu dagan yahay Yuusuf Dabageed iyadoo ay dhici karto inay isku dhaceen ama uu dagaal dhexmaro labada dhinac.
Wasiirka Arrimaha gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sidoo kale ku sugan magaalada Beledweyne, waxayna xaaladda u muuqataa mid cakiran.