Xarunta Aqalka hoose ee Baarlamaanka Villa Hargeysa ayaa loo baahday in baaritaan lagu sameeyo, kadib shaki la sheegay inuu ka dhashay Amniga.
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaano aad u yar ay ku usgan yihiin Villa Hargeysa xilligan oo la dhaafay 12:00 Duhurnimo, waxaana la sheegay xildhibaanno badan lagu xayriray baraha koontaroolka ciidamada laga soo galo madaxtooyada.
Xildhibaanno dhowr ah ayaa goor dhoweyd gaaray Villa Hargeysa, waxaana weli furmin kulanka oo lagu ballamay inuu furmo 9:00 subaxnimo. Qaarkood ayaa sheegay in ciidamo ay muddo hor taagnaayeen, kana celiyaan Baarlamaanka.
Taliyaha Booliska G/Banaadir Saadaq Cumar ayaa ku dhawaaqay inuu hakiyey kulankii maanta ee Baarlamaanka, wuxuuna xildhibaannada u sheegay inaan oo baahneyn qalalaase oo ay doorasho aadaan.
Waxaa sii kordhaya xildhibaannada tegaya xarunta Villa Hargeysa, waxaana weli la sugayaa in lagu dhawaaqo kooramka kulanka oo la sheegay inuu furmayo Duhurnimada kadib, markii xarunta laga qaaday ciidamada Booliska ee taabacsanaa Saadaq Joon.
Warbaahinta dowladda ayaa daqiiqado kadib shaacisay in xilkii laga qaaday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, loona magaaabay taliyihii Ciidamada Haramcad ee Farxaan Qaroole, kadib markii la dalacsiiyey.
Xaaladda ayaa weli kacsan iyadoo madaxweynaha xilku ka dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo taageerayaashiisa ay dadaal ugu jiraan inuu qabsoomo kulanka Maanta si muddo kordhin loogu dhawaaaqo.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..
