Xaaska Marxuum Abwaan C/llaahi CIise Sangub ayaa faahfaahin ka bixisey geerida abwaanka, sidii ay ku tageen dalka Itoobiya oo qalliin lagu sameeyay, kadibna uu saaka ku geeriyooday.
Khadiija Daahir Axmed oo ah xaaska labaad ee Abwaan Sangub aya sheegtay in Abwaanka uu ku sugnaa magaalada barakeysan ee Maka Almukarama tan iyo 25-kii Ramadaanka, kadibna ay magaalada Addis ababa tageen Sabtidii 15-ka bishan June, iyadoo si toos loo dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Addis ababa.

“Sabtiii markii aanu kasoo laabanay ayaa si toos ah loo dhigay Isbitaalka; Isniintii 17-ka June ayaa qalliin lagu sameeyay, saaka oo tallaado ah ayaana tii Alle u timid oo ajashiisu ku ekeyd..” ayey tiri xaaska Abwaan Sangub iyadoo codsatay in dadkii ay wax kala gaareen ay iska cafiyaan.
Waxay sheegtay sida qorshuhu yahay in Sabtida soo socota lagu aasi doono magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya, iyadoo jimcaha laga qaadi doono magaaladda Addis ababa.