Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta 8 oo xabsi ah ku xukuntay Xaaska hoggamiyihii Ururka Daacish ee Soomaaliya Fartuun Cabdirashiid Xuseen, oo lagu helay inay mid ahayd kooxda Daacish.
Eedeysane Fartuun C/rashiid ayaa la sheegay inay isticmaalaysay magacyada kala ah (Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa) ay tahay xaaska horjoogaha kooxda Daacish ee Soomaaliya Sheekh Cabduqaadir Muumin oo fadhigiisu yahay Buuraha Gobolka Bari.
Haweeneydan ayaa la sheegay in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay kasoo qabteen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa ee Muqdisho, 21-kii March 2022, waxayna sheegtay inay kooxda Daacish u qaabilsaneyd maamulka maaliyadda, xiriir shaqo-na kala dhexeeyay Bilaal Al-Suudaani, oo ka mid ah madaxda Daacish ee Soomaaliya, kaasi oo 27-kii Janaayo lagu dilay howlgal ay Mareykanka ka fuliyeen gobolka Bari.
“Waxa ay tahay hadda Xaaska horjoogaha Daacish Cabduqaadir Muumin, waxa la iska baray telephone-ka 2010, xilligii uu Alshabaabka ahaa, kana tirsanaa maktabka Dacwada, 2011 ayay ku aqal galeen Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maxkamadda.
Maxkamadda ayaa intaas ku dartay in Fartuun ay sidoo kale marti gelin jirtay xubnaha Daacish ee magaalada Muqdisho ku dhuumaalaysta ama kuwa ku cusub ururka.
Maxkamadda militeriga ee Soomaaliya ayaa 8 sano oo xarig ah ku ridday haweeney la sheegay inay aheyd xaaska hoggaamiyaha IS ee Soomaaliya, Cabduqaadir Muumin.
