Magaalada Bosoaaso ayaa looga dhawaaqayxabad joojin ka dhaqan gasha magaalada Gaalkacyo kadibkulan wakiilka Q/Midoobay iyo Madaxweynaha Puntland dhex maray.
Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa Boosaaso u tegay kulan waanwaan nabadeed ah oo la doonayo in xabbad joojin looga dhaqan geliyo magaalada Gaalkacyo, waxaana kulankaasi khadka Telefoonka uga qeyb galay madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa sheegay inuu amar ku siiyay taliyeyaasha ciidamada Puntland xabadjoojin oo dagaal danbe aanu dhici doonin ayna rajeynayaan in dhibaatadii Gaalkacyo ay halkaasi ku dhammaato.
Maalinta Jimcaha ayaa la sheegay in magaalada Gaalkacyo ay tegi doonaana madaxda laba maamul ee Puntland iyo Galmudug, isla markaana ay ku nbiri doonaan madaxda kale oo uu ka mid yahay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.
Wadani.com