Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu beeniyay qoraal lagu baahiyey baraha bulshada oo lagu sheegay inuu is casilay,
Warqad la isla dhex marayey baraha bulshada oo ku saabsan inuu xilka madaxweynaha Galmudug iska casilay Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa jahawareer dhalisay, laakiin qoraalka Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa lagu sheegay inay been abuur tahay.
Iyadoo ay kacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug ayaa waxaa baraha bulshada qabsaday warar badan oo ku saabsan xaaladda maamulkaasi ay khilaafyadu hareeyeen, waxaana marar dhacda in qoraal la been abuuro lagu faafiyo baraha bulshada siiba Facebook.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA LA FAAFIYEY
