Xafiiska Midowga Yurub ayaa shaaciyey in 3 qof oo ka mida xarunta Midowga Yurub ee Soomaliya laga helay cudurka Covid-19.
Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga in saddex xubnood oo ka mida xafiiskooda la karaantiilay oo meelo gaara lagu hayo, iyadoo caafimaadkooda lala tacaalayo, isla markaana sidoo kale la karaantiilay dadkii ay la kulmeen oo dhan.
Wuxuu intaas ku daray iyadoo la raacayo nidaamka Hay’adda Caafimaadka Q/Midoobay ee WHO la qaadan doono dhammaan tallaabooyinka lagu badbaadinayo dadka qaba cudurka iyo shaqaalaha kale ee xafiiska Midowga Yurub.
Waxaa hore cudurka Covid-19 looga helay Askari ka tirsan AMISOM iyo laba ka mida shaqaalaha Xafiiska Q/Midoobay ee Muqdisho oo qandaraasleyaal ahaa.