Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu shaacinayo Musharaxa ay wadato dowladda Federaalka Soomaaliya ee xilka Madaxweynaha ee Maamulka Galmudug.
Xafladda oo lagu casuumay siyaasiyiin, xildhibanno, odayaasha dhaqanka, Mas’uuliyiinta iyo taageerayaasha dowladda Federaalka ayaa lagu shaacinayaa musharaxa Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor ) oo xilligan ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya.
Madaxda sare ee dowladda Federaalka ayaa isku raacay inay taageeraadooda ishugu geeyaan Musharax QoorQoor oo loolan adag kasoo wajahi doona musharaxa xisbiga UPD iyo kooxda Damjadiid Xildhibaan C/raxmaan Odowaa.
Xafladda ayaa hadda laga jeedinayaa khudbado kala duwan, waxaana ka qeyb galaya odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galayay shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo saaka diyaarado looga keenay magaalada Dhuusamareeb.




