Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo afjaray heshiis buuxa laga gaaray dagaal khasaare badan dhaliyay oo laba beelood oo walaalo ah ku dhex maray degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa lagu qabtay isla degmadaasi iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin, madax dhaqameed iyo dadweyne fara badan.
Mas’uuliyiinta xaflada gabagabada heshiisiinta labada beelood waxaa ka mida:
- Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)
- Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe)
- Imaamka beelah Hiraab Imaam Maxamed Yuusuf
- Ugaas Maxamuud Cali Ugaas
- Malaaq Cali Malaaq Maxamed
Labada beelood ayaa ku heshiiyay:
- In la soo celiyo walaalnimadii iyo derisnimadii ka dhexeysay
- In Shareecada Islaamka lagu dhaqo labada beel wixii kala gaaray
- In wixii hore u dhacay la iska cafiyo.
Waxaa heshiiska ka soo shaqeeyay Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Xildhibaan Qaasim Furdug iyagoo abaabulay shir labada beelood lagu heshiisiiyay oo ka dhacay magaalada Jowhar. Waxaana mahadcelin loo jeediyay guddoomiayaha Gobolka Sh/dhexe kaalintii uu ka qaatay soo af-jarista colaadii degmada Warsheekh.
DAAWO SAWIRO






[ad name=”HTML”]




Isha: Banadir.net
[ad name=”HTML-1″]