Kulankii Baarlamaanka ee maanta ay yeelana lahaayeen xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kooram la’aan u baaqday, kadib markii ay soo xaadireen 128 Xildhibaan oo kaliya, iyadoo loo baahnaa 11 xildhibaan oo kale si uu u furmo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh ayaa ku dahwaaqay in kulanka uu baaqday kadib markii uu kooramkii loo baahnaa buuxsani waayey, waxaana lagu micneeyay iyadoo xildhibaan ka badan 20 ay aadeen xafladda xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran.
Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Ganacsiga, oo maalintii Arbacadii loo qeybiyey xildhibaannada Golaha Shacabka.
Xafladda Daah furka Xisbiga Himilo Qaran ayaa maanta ka socota Hoolka Sahal ee agagarka KM4, waxaana ka qeyb galaya xildhibaanno iyo marti sharaf kale oo ay ka mid yihiin madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyihii hore ee Baalramaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo xubno kale.



