Guddoomiyihii Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashada Soomaaliya Xaliimo Ibraahim Ismaaciil ayaa noqotay Guddoomiyaha Guddiga cusub ee Doorashada maamul Goboleedka ay kasoo jeedo ee Galmudug.
Xaliimo Yarey oo Guddigeedii uu kala diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii uu soo saaray wareegto sharci darro ka dhigtay muddo kordhintii loo sameeyay Guddiga Xaiimo Yarey, balse waxaa saddex toddobaad kadib loo dhaariyay xilka cusub ee ay ka qabatay maamulka Galmudug.
Xaflad lagu dhaariyay Guddiga cusub ee Doorashada Galmudug ayaa xalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal.
Xubnaha Guddiga Doorashada Galmudug ayaa ka kooban 7 xubnood, waxaana Xaliimo yarey ay ka noqotay Guddoomiye. (Halkan ka Akhriso)
Xasan Sheekh ayaa intii uu musharaxa ahaa si weyn u dhaliilay, uguna hor yimid Guddoomiye Xaliimo Yarey, isagoo ku eedeeyay in ay dadka u hoosaasineyo muddo kordhintii uu doonayey Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo.
