Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Doorashooyinka oo maanta hortagtay Baarlamaanka Fedeaalka ayaa su’aalo badan laga weydiiyey madax bannaanida guddiga iyo xiriirka ay la leedahay madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
“Madaxweynaha safarkii aan u raacay, iskuma xirneyn.. aniga si gaara ayaa naloo casuumay, sida uu madaxweyne ugu yahay Baarlamaanka ayuuna aniga madaxweyne iigu yahay.. Weligay Kitaab Jaamac ah hal mar ayaan maray oo ahayd maalinkii guddiga ee hortiinna la igu dhaarinayey haddana waa idiin qirayaa ilaahay Wajigiisa waxaan xaq ahayn inaanan ku shaqeyneyn, Haddaan xaqdarro ku shaqeynana Allaha na qabto” ayey Baarlamaanka ka hor tiri Xaliimo Yarey oo ka jawaabeysay su’aal adag oo uu weydiiyey xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.
HOOS KA DAAWO