Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim ay maanta safar lama filaan ah ku tagtay magaaladaasi.
Xaliimo Yarey ayaa la ogeyn waxa socdaalkeedu ku saabsan yahay, laakiin warar xogogaal ah ayaa sheegaya inuu safarkeedu la xiriiro sidii ay qeyb uga noqon lahayd wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb oo sidoo kale Madaxweyne Faramaajo uu ku sii jeedo.
Shirka Dhuusamareeb 2 ayaa waxaa isugu imaaya Madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda dowlad Goboleedyada dalka, iyadoo laga hadli doono nooca doorasho ee dalka ka dhici doona oo khilaaf weyn ka taagan yahay.
Madaxweynaha, Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa ku dhegan Doorasho Qof iyo Cod ah, halka Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisal wasaaraha iyo madaxda Maamul Goboleedyada ay ka horjeedaan muddo kororsiga dowladda hadda jirta iyo doorasho dhaafta waqtigooda.