Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Xaqiidada ku wareegsan Askariga loo qabtay weerarkii Khaarijinta ee Xamarweyne [Warbixin Xasaasi ah]

    Xaqiidada ku wareegsan Askariga loo qabtay weerarkii Khaarijinta ee Xamarweyne [Warbixin Xasaasi ah]

    October 3, 20173 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa Axadii 1-da Bisha Oktobar ku dhawaaqay in la hayo qof loo qabtay weerarkii ka dhacay suuq Xamarweyne oo lagu dilay xoghayihii ururka Qaranka haweenka iyo nin ay dhahay guddoomiyaha ururkaasi. [Akhriso]

    Iyadoo taliska Booliska iyo wasaaradda Amniga ay sheegeen inuu socdo baaritaan ayaa waxaa soo baxay warar kala duwan oo ku saabsan kiiskan, iyadoo weji kale loo yeelay, haddana waxaan soo gudbineynaa natiijadii dabagal aanu ku sameynay kiiskan iyo sida lagu qabtay askariga la tuhun yahay.

    WAA KUMA ASKARIGA LOO XIRAY KIISKA..?

    Baaritaan ay sameeyeen ciidamada Booliska ayaa lagu soo qabtay askari ka tirsan ciidamada nabadsugidda, kaasoo ka mida ciidamo ilaalo ahaan ugu qoran safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.

    Askarigan la tuhmay ayaa maalinta weerarka uu dhacay lahayn wax shaqo ah, waxaana lagu arkay goobta uu weerarku ka dhacay, iyadoo dad kala duwan ay sheegeen inuu isagu ahaa qofkii rasaasta ku furay gaariga guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka.

    SIDEE TOO TUHMAY ASKARIGAN..?

    Sida ay ogaatay Wadani, ciidamada booliska ayaa baaritaanka weerarkan intii ay ku jireen helay marqaatiyaal dhowr ah oo ka badan 2, kuwaasoo caddeeyay inay askarigan uu yahay ninkii ay arkeen isagoo rasaasta ku furaya gaariga lagu dilay xoghayihii ururka haweenka Qaranka iyo ninka ay dhashay guddoomiyaha ururka Qaranka Haweenka.

    Marqaatiyaasha qaarkood waxay kasoo dhex saareen dad fara badan oo la dhex geliyay, iyagoo sheegay inay 100% hubaan inuu ahaa shaqsiga rasaasta furay ee dilka geystay.

    MAXAA FUDUDEEYAY QABASHADA ASKARIGAN..?

    Askarigan ayaa waxaa in la qabto si weyn u fududeeyay inuu ku howlgalo Qori nooca F16 ah oo naadir ka ah adeegsigiisa magaalada Muqdisho, iyadoo dadka heysta ay aad u yar yihiin, isla markaana si fudud loo raad-raaci karo.

    Dhawaqa qorigan oo ahaa kan kaliya ee falka lagu geystay, askariga loo qabtay oo goobta weerarka ka dhacay ku sugnaa iyo marqaatiyeyaasha ku caddeeyay waxay keeneen inuu noqdo qofka ay hay’adaha amniga hubaan inuu falkan ka dambeeyay.

    SIDEE LOO QABTAY ASKRIGAN..?

    Kadib markii ciidamada Booliska baarista ku dhaqaaqeen waxaa dhibaato weyn noqotay in la soo askarigan, waxayna ku qaadatay ciidamada howl adag, isagoo dhuumasho galay, isla markaana sii xoojiyay tuhunka ah inuu ku lug lahaa kiiskan.

    YAA ASKARIGA KU WEHLIYA KIISKAN..?

    Waxaa askariga la hayo lala qabtay gaari Cabdi Bille oo isla ciidamada NISA leeyihiin, kaasoo goobta weerarka ka dhacay ku sugnaa xilliga weerarka isla markaana inuusan tallaabo qaadin ka sokow ay ku dhaqaaqay tallaabooyin shaki leh, waxaana isla gaarigan hore loogu arkay goobo ay weerarro noocan oo kale ah uga dhaceen Muqdisho.

    Baaritaanka kiiskan ayaa ah mid bilow ah, waxaana dhici karta in wax waliba isbedelaan, iyadoo qaar ka mida dadka marqaatiyeyaasha loo hanjabay, qaarkoodna naftooda halis la geliyay, waxaana dhici karta in shabakad isku xiran ay ka dambeyso weerarkan iyo kuwii ka horeeyay ee la midka ahaa oo gudaha hay’adaha ammaanka ka dhex jirta.

    GABAGABO

    Arrimahan oo dhan waxay ciidamada ammaanka ku hoggaamiyeen in askariga loo qabtay kiiska weerarkii Xamarweyne ee 27-kii September uu yahay shaqsiga ku eedeeysan ee baaritaanka ku socdo, waana kiis adag oo baaritaan dheeraad ah iyo shaqo badan u baahan si loo helo xaqiiqadiisa.

    Iyadoo aanay jirin cid dembi u yeeli karta qof eedeysane ku kooban oo aan Maxkamad lasoo taagin ayaa dadka qaarkood waxay bilaabeen inay kiiskan u yeelaan weji qabiil, iyadoo baaritaankii socdo, taasoo ka mida qorsheyaasha wejiga looga xumeynayo dadaalka ciidamada mamaanka ugu jiraan inay uga hortagaan weerrarada ka dhaca Muqdisho ee dadka badan lagu laayo.

    F.G. Waxaan ka gaabsanay inaan adeegsano magacyada iyo xog dheeraad ah si aysan carqalad ugu noqon baaritaanka socda.

    XOG URURINTII: GOOBJOOGE.NET

    Alshabaab Dil Top Via Roma Weerarkii Xamarweyne Xamarwweyne
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan Fiqi: “Galmudug waa maamul laga heli karo calooshood u shaqeystayaal..” [Dhageyso]
    Next Article Puntland oo qaadacday shirka Maamul Goboleedyada ee Axmed Madoobe ku baaqay [Dhageyso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo