Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Xaqiijin: Farmaajo oo iidheh ka dhigtay Tahriibayaal laga soo celiyey Liibiya (3 dhinac oo iska kaashaday)

    Xaqiijin: Farmaajo oo iidheh ka dhigtay Tahriibayaal laga soo celiyey Liibiya (3 dhinac oo iska kaashaday)

    January 13, 2022Updated:January 13, 20222 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxtooyada Soomaaliya ayaa iidheh iyo olole doorasho uga dhigtay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo soo celinta 97 dhalinyarro Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalka Liibiya.

    Dhalinyaraddan oo shalay dalka kusoo laabtay ayey Madaxtooyda Soomaliya soo dhex marisay Wasiirka Arrimaha dibadda inuu Farmaajo ka dambeeyay soo celintooda, isagoo kala hadlay hoggaamiyaha Golaha ka taliya dalka Liibiya oo ay isku arkeen dalka Turkiga.

    Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qortay: “Ka dib kulan uu bishii la soo dhaafay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kula qaatay dalka Turkiga Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya, waxaa uu Madaxweynuhu guddi u saaray sidii dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada Liibiya loo soo badbaadin lahaa, waxaana maanta dalka soo gaarey kooxdii ugu horreysey oo ka kooban 97 muwaadin”. Waxaa la baahiyey muuqaallada qaar ak mida dhalinyaradda oo u mahad celinaya Farmaajo, markii lo osheegay inuu dalka kusoo celiyay.

    Sidoo kale waxaa howshan sheegtay xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana warbaahinta Dowladda lagu qoray sidan: “Dhalinyaradaan ayaa isku dhiibay Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya. Iyadoo dadaaladda soo guryo noqoshada Dadkan ay ka wada shaqeeyeen Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha danjire Maryan Yaasiin oo kaashanaysa hey’adda Socdaalka Adduunka ee IOM”

    Wax yar kadib waxaa qoraal soo saaray hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ee IOM oo caddeystay macluumaad cusub oo ku saabsan dhalinyaradda Soomaaliyeed ee laga soo celiyey dalka Liibiya.

    Madaxa hay’adda IOM ee Soomaaliya Richard Danziger ayaa farriin uu soo saaray ku sheegay in Hay’adda IOM ee Q/Midoobay ay diyaaradda soo qaaday dhalinyaradaasi ku deeqday, iyadoo taageero ka heshay Sanduuqa Africa Trust Fund, La-taliyaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Maryan Yasin iyo Xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya.

    #Somalia Ministerial delegation greets returnees from Libya on @UNmigration chartered flight with the support of @AfricaTrustFund @MariamYassinHY @EU_in_Somalia pic.twitter.com/ERf9VI0lla

    — Richard Danziger (@RtooDanziger) January 12, 2022

    Midowga Yurub ayaa faahfaahin kale bixiyey qorshaha dhalinyarradan lagu keenay. “Hindisaha Wadajirka ah ee Ilaalinta iyo dib u soo celinta muhaajiriinta ee Midowga Yurub iyo IOM ayaa caawiyey 97 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka yimid dalka Liibiya oo ay ku jireen xabsiyo in ka badan 2 sano. Iyadoo loo marayo barnaamijka, waxay heli doonaan taageerada dib-u-dhexgalka bulshada”

    Howsha kooxda Madaxweyne Farmaajo keligood sheegteen inay sameeyeen waxay xaqiiqadii noqotay inay kasoo wada shaqeeyeen saddex dhinac oo kala ah: Ergayga Gaarka ah ee Xuquuqda Caruurta iyo Tahriibayaasha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maryan Yaasiin, Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM iyo Midowga Yurub /Africa Trsut Fund oo dhaqaale ku bixiyay.

    EU-IOM Joint Initiative for Migrant Protection and Reintegration recently assisted 97 Somali nationals return to Mogadishu from Libya where they have been in detention centres for over 2 years. Through the programme, they will receive support for community reintegration. pic.twitter.com/14D66Sl9Pq

    — EU Delegation Somalia (@EU_in_Somalia) January 12, 2022
    Farmaajo Libya Somalia Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCunto-Kariye ka tirsanaa Alshabaab oo isu dhiibay Ciidamada Dowladda ee K/Galbeed
    Next Article Somaliya oo bixin weyday Qaaraankii Q/Midoobay (Sidee loogu ogolaaday inay sii lahaato Codeynta..?)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo