Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Xaqiiqada Qaraar ee Dadka Soomaaliyeed hortaalla

    Xaqiiqada Qaraar ee Dadka Soomaaliyeed hortaalla

    September 3, 20178 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Cid kasta oo si dhab ah ugu kuur gasha Xaalada dhabta ah ee maanta ka jirta Soomaaliya kadib bur burkii ku yimid Dowladii dhexe ee Soomaaliya sandii 1991kii iyo Dagaaladii sokeeye ee daba dheeraaday oo ayaguna sababay ay burburto shaqsiyadii qofka Soomaaliga,waxa ay si sahlan ku taaban kartaa Xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta wadanka, taas oo ah in aysan jirin maanta wax Muqadas ah oo lama taabtaan ah, dadka Soomaaliyeedna ay wada ilaashanayaan, ugana soo wada jeestaan hal meel.
    Xaqaaiqda iyo Amrimaha dhibaatada leh una baahan in la garwaaqsado oo aan leyska indha tirin waxaa ka mid ah:-

    1- In aysan jirin istiraatijiyad cad oo ku aadan sida loo maareynayo arimaha gudaha iyo dibada oo ay degsatay kuna dhaqmeyso Xukumada Soomaaliya, waxaa dhaqan noqotay in cidii tagta Filla Soomaaliya ay isaga dhaqaaqda un waxa ay ku soo toosto waaguna ugu baryo , waxaana tusaale fiican loo soo qaadan karnaa sida aan laga fiirsan deg degtuna ku jirtay ee loo maareyay Arinka :Cabdikariim Qalbi dhagax,oo Dadka farabadan oo Soomaaliyeed fal celin xoogan ka bixiyeen.

    Kuma koobna arimaha sida qadan loo maareeyo arinta hada taagan ee la xariirta Cabdikariim Qalbi dhagax, madaxda Soomaaliduna waxa ay inta badan caada ka dhigteen in si qaldan oo aan laga fiirsan u maareeyaan arimo Xasaasi ah oo taabanaayo aayaha Umada Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay Qofka Mas’uuliyada loo magacaabayo oo aan marka horeba aan leys weydiineyn in Mas’uuliyadaas uu maqaadi karo iyo in uu aqoonteedii leeyahay uuna ilaalin karo danaha iyo Masaalixda guud ee Umadda

    2- In ay Soomaaliya ay kala tagtay wax midnima Soomaaliyeed la dhihi karo oo maanta shaqeeyana aysan jirin noocey doonta ha aheetee. Federaalkii la yiri waa lagu heshiiyay oo waa xalka kaliya ee Soomaaliya cudurkeeda lagu daawey karana maanta ma shaqeeyo waxa uuna isku bedelay Aalad lagu burburiyo inta Soomaalinimada ka sii harsaneyd, tusaale fiicana waxaa noo ah in Madaxda Dowlad Goboleeydu ay sameeyaan kuna dhaqaaqaan wixii ay doonaan ayna gelayaan heshiisyo ay kuwareejinayaan Dekadaha Soomaaliya ayada Dowladii Federaalku aysan ka warqabin, iskaba daa taasiye waxa ay u soo kaba qaateen in ayagu ay hagaan siyaasada arimaha dibada Dowlada faderaalka Soomaaliya sida ka soo ifbaxday Khilaafka ka taagan Dowladaha khiliijka dhaxdooda toos oo muujineyso in owsan jirin Xad kala qeybiya Shaqada iyo waajibaadka ay leedahay Dowlada Federaalka iyo tan ay leeyihiin Dowlad Goboleydu.

    3- Dhaqan siyaasadeedka ka muuqda Dowlad goboleyda waxa kaliya laga filan karaa hadii sida hada arimuhu yihiin ay wax ku sii socdaan in xili aan fogeyn ay ku dhawaaqaan in ay ka madax banana yihiin Soomaaliya inteeda kale, taasina waa wax la filan karo marka maanka la giliyo Madaxda hogaamineysa Dowlad Goboleyda oo u dhaqmaya sidii ayaga oo madax weyne ka ah Dowlad Calankeedu ka dul babanayo Xarunta Qaramada midoobay.

    4- waxaan wada ognahay in ay jirto Jamhuuriyadda la magic baxday Soomaaliland in ay gooni u taagan tahay muda dhan 26 Sanao haystana wax la dhihi karo waa hanaan Dowladnimo sida Hey’adihii qabanay Shaqooyinka kala duwan ee Dowladi qabto Xukun kana kula kala wareega Qaab leysa soo dooranayo Shacabkuna ay door ku leeyhiin taas oo aan ka jirin Soomaaliya inteeda kale.

    5- Waxaa Xaqiiqa jirta ah in talada Soomaaliya inteeda Badan Soomaalidu u daba fadhiso waxa loogu yeero Beesha caalamka oo Ciidama farabadan ay ka joogaan wadanka Cidamadaasina Mustaqbalka dhaw iyo kan fog itaba uma keeni doonaan Soomaaliya Xal nabad gelyo oo waara.

    6- Xaqiiqada kale ee jirtaa Waxa ay tahay waxaan aragnaa Koox kasta oo hogaanka Fedaraalka u so hanqal taagto marka hore waxa ay kicisaa sawaxan iyo qeylo fara badan oo ay Ciwaan uga dhigeyso in waxa qaladan oo dhan ay ayagu saxayaan hayaana aragti iyo Barnaamijkii Siyaasadeed oo lagu gaari karo isbedel wax ku ool ah hasa yeeshee marka ay tagaan Villa Soomaaliya waxa ay lamid noqodaan kuwii ka horeeay mararka qaarna waxaa la dhihi karaa wey kasii liitaan marka si fiican loogu kuurgalo qaabka ay wax u wadaan iyo sida aysan u taagneyn mustawo ay ugu babac dhigi karaan Xilka iyo Culeyska ay dusha saarteen. Xaaladda nuucaan ah waxaan u soo joognay sanadii 2012 dii isbedelkii dhacay oo aan wada ogsoonahay halka ow ku dhamaaday iyo Mirihii laga gurtay iyo kan dhacay 2017da ee aan hada kujirno oo Ceeryaamo badan ku hareereysan tahay marka lafiiriyo qaabka ay wax u wadaan iyo sida ay wax umaareynayaan Kooxda hada hageysa siyaasadaha Filla Somaaliya Mashaakilka faraha badan ee gaamuray ee ka jira wadank

    7- Waxaan la inkiri karin in mashaakilka ugu weyn ee na haysta maata ow yahay burburka ku yimida wacyiga iyo Shaqsiyadda Qofka Soomaaliga ah oo waxa kowaad ee uu ka fikiraa ay noqdeen danhiisa qaaska ah marka ow dadaalana waxa uu ajendeha ku darsadaa danaha Qabiilkiisa iyo kuwa Jifa hoosaadka ow ka soo jeedo halkaasina waxaa ku baaba’aya Caqli ku fikirayay dana wadareedka oo hadii la heli lahaa wax weyne ka qaban laa danaha Bulshada oo dhan iyo tan gaarka ah ee Shaqsi kasta waana halka ay sartu ka quruntay Soomaaliyana ay maanta u dhimaneyso.

    8- Wadada hada ay ku socdaan Madaxda Federaalka iyo maamulada wadanka kajira kuna dhisan yac yaceynta iyo maareynta mushkiladaha halkii xal loo raadin lahaa Mushkiladaha jira uma muuqato midii lagu gaari lahaa Xal Soomaaliyeed oo waara dhayana Boogaha iyo Nabraha waaweyn ee ku yaalla Jirka umadda Soomaaliyeed walina xaglaheedu ay sii kala jeedaan waddada hada aanku socono waxa ay nagaarsiin doontaa Gidaar aan Irid laga baxo laheyn dhawaataa iyo dheeraataaba.

    9- intaasi waxaa iyana sii dheeroo mudanin la xuso, Damaca siyaasadeed ee aan dhamaadka laheyn oo ay la soo taagan tahay kooxdii looga guuleystay siyaasada oo ku howlan sdii mar kale ay taladu Gacantooda ugu soo laaban laheyd ayaga oo adeegsanaayo habkasta oo u suura gilinaayo in ay dib ugu soo laabtaan Xukunka kana faa’ideysanaya qaladka siyaasadeeda oo ay geleyso Xukuumada hada jirto. hardanka siyaasadeed ee nuucaan ah uma adeegayo in ay wax qabato Xukuumad markii horeba ay iskoobeen Koox tirayar oo doonaya inta kale in ay shaqaala ahaan u qortaan, waxa ayna waqtigooda iyo xoogooda gili doonaan sidii ay kursiga u difaacan lahaayeen waqtina uma heli doonaan in ay ka shaqeeyaan sidii loo xali lahaa Mashaakilka iyo dhibaatada faraha badan ee haysata Shacabka Soomaaliyeed.

    10- Waxaan u baahanahay in aan joojinaa siyaasada dhaheysa Dameerka gaariga gadaashiisa ku Xir si ow gaariga u jiido taasi waxaa lamid ah qaabka ay madaxda Soomaalida ay doonayaan in ay ku xaliyaan dhibaatada wadanka ka jirta oo halkii dhibaatadada iyo Mashaakilaka la xalin lahaa ama la yarey lahaa la sii kordhinayo ayada oo u maraya xalinta dhibaatada mashaakilka jira wada qaldan oon si sfiican looga baaraan degin, tusaale ahaan marka laga hadlayo arimaha Dastuurka Federaalka lama eegayo waxa dantu ugu jirto Soomaalida Mustaqbalka dhaw iyo kan fog ee waxaa muhimada Kowaad la siinayaa Talooyinka kayimaada Dad lagu sheegay in ay khubaro yihiin oo ka socda Beesha Caalamka doonayana in la hirgiliyo Dasaatiir ay sameysteen Dadyow kale oo waaqicoodu ka duwan yahay kan Soomaalidu ku nooshahay, .

    Sidoo kale waxaad arkeysaa marka Maamul meel laga dhisayo waxaa dhismihiisa lagu jaan gooynayo danta ay leedahay kooxda markaas awooda haysata ayaga oo u qaabeynayo si ay is leeyihiin waxa ay u adeegeysaa danahooda gaarka ah iyo sidii ay meesha ku sii joogi lahaayeen, waxaadna arkeysaa ayaga oo taageeraya shaqsiyaad aan qaadi Karin mas’uuliyada meesha taalla, kuwii ku haboonaa mas’uuliyadaasna leyska fogeynayo iyo ayada oo aan wax tixgilin ah aan la siineeyn dhamaan waxgaradka ay ka go’do talada Bulshadu, waxa aan tusaale fiican u soo qaadan karnaa wixii ka dhacay doorashadii Xildhibaanada ee dhacday dhamaadkii sanadii 2016 da iyo qaabkii loo maareeyay dhismihii Maamulka loo bixiyay Hirshabelle oo hada lawada ogyahay xaalkiisu meesha ow maraayo.

    Gunnaanad:
    – Geba gebadii iyo gunaanadkii waxaan u baahay in aan Qiranaa Xaqiiqada qaraar ee jirta oo ah in aysan jirin waqti Xaadirkan la joogo wax la taaban karo oo Dadka Soomaaliyeed agtooda muqadas ka ah ayna wada ilaashanayaan hadii ay ahaan laheyd Midnimadii iyo madaxbanaanidii Dalka ama wax mab’da ah oo umadi kumidoobi karrto, xataa Caqiidadii islaamka waxaa ka xoog batay Caqiidada ku saleysan Qabiileysiga oo aan lagu xakameyneyn dhaqanka islaamka iyo mab’da kale toona. Waxaan u baahanahay hadii aan Soomaali nahay in aan Nafteena aqbalsiino kuna qancino Mashaakilka na haysta waajahnana Xaqiiqada dhabta ah ee jirta shey kastana aan ugu yeerno magaciisa dhabta ah kadibna aan ka shaqeyno sidii aan Xal ugu gaari laheyn Mashaakilka na haysta oo ah mid aad u faraban.

    – Waa in garwaaqsnaa in talada Soomaaliya inteeda badan ay gashay Gacmaha wadamada shisheeye, si aan dib gacmaha Soomaalida loogu soo celiyana waxa ay u baahantay howl badan iyo Caqli wadareed lagu waajahu mushkiladaha Soomaaliya kajira Koox yar oo fara ku tiris ah fikirkeedana aan lagu xalin Karin.

    – Waan in madaxda Soomaaliya ay ka weynaadaan dhaqan siyaasadeedka ku saleysan in wadanka loo maamulo sidii asaga oo ah Shirkad ay dad gaar ah leeyihiin oo faa’ida doon ah inta kalane ay ka yihiin shaqaalihii Shirkadaasi ka howgalayay.

    – Waa in si cad oo bareer ah loo Cadeeyaa in sida hada ay u dhaqmaan madaxda Dowlad Goboleedyadu sidii ayaga oo madaxweynayaal ka ah Dowlado madax banana arinkaasna owsan aheyn mid u adeegayo dana wadareedka Shacabka soomaaliyeed haddan la joogo iyo Mustaqbalka.

    – Waxaan u soo jeedinayaa Madaxda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleyada, in ay Alle ka yaabaan ogaadaana in mas’uuliyada ay umada u haayaan, wax laga weydiin doono ayna Jirto maalin Qof walba wixii ow ku sameeyay aduunkan aan ku noolnahay owna guran doono miraha iyo natiijada ka dhasha, hadii ay ahaan laheyd wanaag ama Xumaan intaba.

    W.Q: Dr. Maxamed Diiriye Sabriye 
    E-mail: [email protected]

    Somali Soomaaliya Xaqiiqada Qaraar ee Dadka Soomaaliyeed hortaalla
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBeesha Boosaaso oo ka hor timid dib u dhiska Dekadda Boosaaso [Akhriso Qoraal loo diray DP World]
    Next Article Xaaska Qalbi-dhagax & Gabadhiisa oo ka hadlay kiiskii lagu gacan geliyay & Baaq ay direen [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo