Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Xaqiiqada Warkii Madaxweynaha Masar ka sheegay Xasan Sheekh iyo Biyo-xireenka Itoobiya

    Xaqiiqada Warkii Madaxweynaha Masar ka sheegay Xasan Sheekh iyo Biyo-xireenka Itoobiya

    July 25, 2022Updated:July 26, 20223 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kadib shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kulan ku dhex maray magaalada Qaahira ayaa waxaa soo baxay in warar ku saabsan in Madaxweynaha Soomaaliya uu la saftay dalka Masar.

    Waxaa baraha bulshada arrintaas ku faafinaya taagerayaasha madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo, haddaba waxaan halkan hoose kusoo qaadaneynaa warkii uu shirka jaraa’id ka sheegay Madaxweynaha Masar.

    Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa sheegay inay dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud isku afgarteen in heshiis dhab ah laga gaaro buuxinta iyo ka shaqeynta biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) iyadoo aan dib loo dhigin.

    Heshiiska ayuu sheegay inay tahay in lagu saleeyo bayaankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) bishii Sebtembar ee sannadkii 2021, si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka, Madaxweyne Sisi ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Maxamuud isaga oo jooga Qaahira.

    Abdifatah Al-Sisi wuxuu kaloo sheegay in uu Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay arrinta biyo-xireenka Itoobiya ee GERD, isagoo caddeeyay inay muujiyeen khatarta ay leedahay siyaasadaha hal dhinac ah marka la fulinayo mashaariicda ku saabsan webiyada isaga gudba.

    Madaxweynaha Masar waxa uu intaa ku daray inay isla qaateen inay lama huraan tahay in loo hogaansamo mabda’a iskaashiga iyo wadatashiga dowladaha darafyada ee Biyo xireenka GERD si loo hubiyo in aan wax dhibaato ah loo geysan mid ka mid ah iyaga oo raacaya qaraarada sharciga caalamiga ah.

    Sisi wuxu ugu hambalyeeyay Maxamuud xilka uu qabtay bishii June isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka horumarinta xasilloonida Soomaaliya.

    Sisi waxa uu sheegay in Masar ay ka mid tahay dalalkii ugu horeeyay ee aqoonsaday madax-banaanida Soomaaliya 1960-kii, isla markaana ay si joogto ah u taageerto Soomaaliya si loo gaaro amni iyo xasilooni.

    “Waxaan wali si sharaf leh u xasuusannaa shuhadadii Masar ee naftooda u waayay si ay Soomaaliya u hesho madax-bannaanideeda oo ay u ilaaliso wadajirkeeda dhuleed,” wuxuu ka mid ahaa khudbadii Madaxweynaha Masar.

    Aragti dhow

    Sisi waxa uu bogaadiyey dadaaladii lagu furayay laanta Banque Misr ee Soomaaliya, kuwaas guul ku dhammaaday, iyadoo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uu fasax shaqo siiyey. “Waxaan rajeyneynaa in furitaanka laanta Banque Misr ee Soomaaliya ay gacan ka geysato horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga Masar ee Soomaaliya si ay uga faa’iideystaan ​​labada dhinac,” ayuu yiri Madaxweyne Sisi.

    “Masar waxa ay xaqiijineysaa in ay taageereyso dadaallada Soomaaliya ee lagu horumarinayo nabadda iyo amniga dalka iyo ciribtirka argagixisada si loo gaaro horumarka la hiigsanayo, looga gudbo caqabadaha jira, loogana dhabeeyo rabitaanka dadk”, ayuuna sii raaciyey.

    HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID

    Abdifatah Alsisi Egypt GERD Hassan Sheikh Itoobiya Masar Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDagaal ka dhex qarxay Alshabaabkii ka gudbay Gobolka Hiiraan iyo Ciidamada Liyuu Boolis
    Next Article Madaxtooyada Somaliya oo beenisay Warkii Biyo-xireenka Itoobiya ee Madaxweynaha Masar

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo