Wararka ka imaanaya deegaanka Buqa ee buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in duqeyn culus ay xalay halkaasi ka dhacday.
Jugta madaafiic loo maleynayo inay diyaaradi ridayeen ayaa lala beegsaday xarumaha fadhiga u ah kooxda la baxday Garabka Daacish ee Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdulqaadir Muumim.
Deegaanka duqeyntu ay ka dhacday ayaa qiyaasii 60 km u jira degmada Qandala oo ay hadda ka hor kooxdaasi qabsatay, waxayna dadka degaanka soo weriyeen guux diyaaradeed iyo qaraxyo waaweyn oo halkaasi laga maqlay.
Mas’uuliyiinta Gobolka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in la maqlay qaraxyada ilaa iyo lix gantaal, iyo guuxa dayuuradaha.
Weli ma cadda cidda geysatay weerarkaa iyo cidda wax ku noqotay, laakiin Soomaaliya iyo gobolka bariba waxaa marar horey duqeyn uga geystay ciidamada Mareykanka ee Africa ka howlgala.