Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta xariga ka jaray xarunta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu deeqday dowladda Turkiga.
Xarunta ayaa waxaa dhisay dowladda Turkiga, iyadoo loogu talogalay markii hore inay noqoto xarun waxbarasho oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyadeeda, basle baahida Aqalka sare oo aan xarun lahayn lagu wareejiyay.
Madaxweynaha oo uu wehliyey Safiirka Turkiga iyo Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa wadajir xariga uga jaray dhismaha xarunta KMG ah ee Aqalka sare.
Madaxweynaha, ayaa soo kormeerray xafiisyada iyo qeybaha shirarka ee loo diyaariyey in uu ku shaqeeyo aqalka Odeyaasha, si gaar ahna Hoolka fadhiyada ay ku yeelan doonaan.
Guddoomiyaha KMG ah ee aqalka odeyaasha ee Barlamaanka F. Soomaaliya Maxamed Xuseen Raagge, ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey furitaanka xaruntaan, dowladda Turkiga ayuu si weyn ugu ammaanay waxbqadkooda Soomaaliya, waxa uu sheegay in dhowaanna ay si dhab ah u guda-geli doonaan howlaha looga fadhiyo.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgen, ayaa sheegay in mashruucan lagu dhisay xaruntaan uu socdey laba sanno, haddana ay ku howlan tahay dowladda Turkiga in Muqdisho ay ka fuliso mashaariic ka ballaaran kuwaan.
Madaxweynaha J. Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga dhismaha xaruntaan weyn, waxa uu tilmaamay in xarunta Aqalka odeyaasha ay si KMG ah ugu shaqeyn doonaan, ayna ahaan doonto goob waxbarasho, dhowaan waxaa uu xusay in uu bilaaban doono dhisme weyn oo ay lahaan doonaan labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya uu ka kooban yahay.
DAAWO SAWIRRO



Wadani.com