Waxaa la diyaariyey xarunta uu ka dhacayo shirk dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Guddiga qabanqaabada shirka uu booqday xaruntaasi oo ka kooban hoolal, qolal jiif iyo goobo wada-sheekeysi.
Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow iyo xubnaha ka tirsan Guddigga ayaa kormeeray xarunta iyo goobaha ay degayaan ergada beelaha ee ka qayb geleysa shirkaasi, waxaana la shaaciyey in la soo gebagebeeyay diyaar garowga shirka ayna xubnaha shirka ka qeyb gelaya loo diray liiska ergada.
Shirka oo dib u dhacay 5-tii bisgan ayaa la sheegay inuu mar kale dib u furmi doono 17-ka bisha, sidau u sheegay guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada shirka.






