Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay dib u fureysa xarunta hagidda diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kadib in ka badan 20 sano oo hawada Soomaaliya laga maamulayay dalka Kenya.
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Hay’adda maamulka Hawada Soomaaliya ay si rasmi ah u shaqo bilaabi doonto Muqdisho, iyadoo laga soo wareejin doono Hay’adda maamusha Hawada ee Qaramada midoobey ee ICAO oo muddo dheer gacanta ku heysay.
Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad ayaa dhowaan shaaciyey in inta uusan dhammaan 2017 dowladda Soomaaliya ay la wareegeyso maamulka Hawadeeda islamarkaana laga maamuli doono Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.
Maalinta berri ah ee 28-ka Disember 207 ayaa la sheegay in la qaban doono xafladda xariga looga jarayo Xarunta maamulka Hawada Soomaaliya ee ku dhex taalla Garoonka diyaaradaha Mqudisho