Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xariga ka jaray xarunta taliska guud ee Gobolka Banaadir oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay.
Dhismaha xarunta Guud ee Booliska G/Banaadir ayaa si qurux badan dib loogu dhisay iyadoo loo dhameystiray qalabkii ay ku shaqeyn lahayd, waxaana furitaankeeda goobjoog ka ahaa taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Asluubta.
Ra’iiaul Wasaare Khayre ayaa wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska ka dalbaday inay soo celiyaan sharaftii booliiska, lana dagaalamaan musuqmaasuqa si ay u helaan kalsoonida shacabka.




